Caruurta Garre
(Gharri):
Garre (Gharri) wuxuu dhalley laba wil. Mid waxaa la
dhahiin jiray tuf midka kale waxaa la dhihi jirey
Maxaamed. Maxaamed waa wilka uu wayn. Ilmaha Garre.
Maxaamed marku dhaley wilka layiirado quraan aayu
dhintay. quraan waxaa soo koriyey adderkiisa Tuf. Quraan
;markuu waynadey wuuxu gursadey gebedhii adeerkiisa Mako
Tuf. Quraan wuuxu dhaley laba will oo layiirado Assarre
iyo Furkushe. Tuf wuxuu dhalley laba wiil oo la kala
yiraahdo Cali
iyo Adolle
Garre yaa
dhalay? Garre
waxaa dhaley Samalle.
Samale wuxuu dhaley sagal wiil oo
kala ah
-
Gharri ;Samale Gharri samle laba
qole ayuu ukala baxa
-
Gharr dheera samale 4 qole ayuu ukala baxa
-
Irir Samale
-
Mayle Samale
-
YabuurSamale
-
Maqarre Samale
-
Xammarre samale
-
Xarirre
samale
Gharri
Somali (Gharri Konfur)
Gharri Somali wuxuu ka
mid yahay qabailka ugu soo horeeyey ee soomaliya
soodegey. Wuxuu degganyahay qiyaastii 1500. Gharri wuxuu
galaya asalhaan Samaale. Waxaa layiraahda Gharri Samaale.
Mesha ugu horeeysey ee uu soodegey waxaa ahayd meesha
lagu magacaabo ceelasha waanbate ee ku taala waqooyiga
W/Weyn, gobolka Sh/hoose.
Siday taarikhdu sheegayso, waxaay ahaayeen dadki
ugu horeeyey ee arkey dhoobooy. Iyo laadegey sh/hoose.
Waxaay ahayeen Geel, sidakale, waxaay ahayeen, dadkii
ugu horeeyey magaalada Braawe degay.
Gharri wuxu dega Gobalada kala ah Sh/hoose iyo
Bay. Degmoyinka uu degana wai.: Awdheegle, Qoriyoleey,
Afgooye, W/Weyn, Hurtun Waarrey, Buur Hakaba, iyo
Dhinsoor.
Dhaqaalahan, Gharri wuxaa saldhig u ah xoolaha
iyo berrah. Ganacsina waa jira dhaqan ahaanna. Dhaqanka
Gharri wuxuu ku saleesan yahay diinta islaamka. Xaaladda
xukunkana asaga ayaa is xukuma. Cid kale ma xukunto.
Tarriqda Gharri (Garre Kofar)
Gharri (Garre) wuxuu leeyahay af u gaar ah.
Maxaa yeeley Gharri waa qabiil weyn, ooleh dhul weyn.
Wuxuu awood u yeeshey in uu dhooro luqadiisa iyo
dhaqankiisaba sida qabiilada waa weyn ee aduunka kajira.
Xiriirka Gharri(Garre) uu la leyahay dadka la deggan aad
ayuu u fiicanyahay. Dhaqan ahaan, bulsho ahan iyo nabad
gelyo ahaanba.
Gharri wuxuu leeyahay
hoggaamiyayaal dhaqmed oo wa-wanaagsan, Sida
Ø
1. Malaaq
Cabdi oo Gharri (Gaare) hoggaaminaayey muddo 70 sanaha.
Guulo baddana u horseedey. Dhul fara baddanna u furey.
Ø
2.Macalin Aadan
Cismaanoow, oo ahaa ninkii Gharri (Garre) kabad baadiyey
kolanyadii gumeeysigii taliyaaniga kana mid ahaa
madaxdii la geeyey Barliin 1780.
Ø
3. Maxaad
Cabdiyoow Sanlaawe, oo ahaa ninkii wiilkiisa u qaatey
dhul Gharri (Garre) yeelanaya. Wuxuuna ku dhintey
xabsiga gumeeysiga Taliyaaniga, assagoo Garre u
halgamaya.
Ø
4. Beed dheere,
Ø
5. Faroole,
iyo
Ø
6. Baroole, oo ka mid ahaa
iyagana madaxda Gharri oo door fiican ka qaatey
hoggaaminta Garre.
Gharri wuu leeyahay
sheekooyi, iyo maah maah iyo gabays fara badan,
sheekooyinka waxaa looyaqaana (Maano-Maano) waxaa ka mid
ah sheekadi haawaadoweey absho waraabe-maah maahda waxaa
kamid ah (lan hun wusku halleeyaay:- laan hunna wuskul
ko’taay).
Kedi Guuraay:-waa waxjira.
Waa waagii uu Gharri (Garre) jabay. Waxuuna u kala baxay
afar (4) qeebood.
Ø
A. Qeeb u soo
guurtey Kofar
Ø
B. Qeeb u
guurtey Jaad.
Ø
C. Qeeb u ku
hartey Gedo oo u guurtey hagga Itobiya iyo Kenya.
Ø
D. Qeeb
laqabsadey oo beddelmey oo gaaloobay sida Gabra oo kale.
Buulo Xusseen: waa ninkii Garre
hoggaminayey markii kedi guuray dhacaysey. Waa ninkii
sosahmiyey koofar. Waxuuna ku taliyey in koofar loo
guuro. Inta taladiisa raacday koofar baay u soo guurtey.
Buule Xusseen markuu soo sahmiyey Koofar wuxuu yiri,
waxaan soo arkey dhul rag u roon, oo geel u daran.
Markuu Gedo ka soo guuraayey wuxuu yiri:-Gedooy, waan
kaa soo guuray, waxaana kaaga guurey seddax shay
sababtood.
Ø
1. Falaartii
yaabiye
Ø
2. Fitnadii
Kedeble iyo
Ø
3. Farastii
dhukaneed.
4. farmuuq birkaaye
Baajuun ama Baanjuul,waa qabil soomaaliah. Waxaa
degaan Kismaayo iyo Jasiiradaha Juulen Jawaay. Dad badan
Gharri (Garra ah) ayaa katirsan. Iyaga naftoodan waxaa
kamid ah qaar aminsan Gharri (Garre nimo.)
|