Afgooye,
30-September-06
( Qaadisiya.com) Golaha
maxaakiimta islaamiga Soomaaliyeed ayaa maanta xaflad ballaaran oo
ka dhacday beerta Sheekh Zaa'id Bin Suldaan Al-nahyaan Allaha u
Naxriistee ee degmada Afgooye ayaa kula wareeegay maamulka gobolka
Shabeelaha Hoose iyadoo xafladaasina ay ka qeyb galeen mas'uuliyiin
sar sare oo golaha maxaakiimta ka tirsan.
Mas'uuliyiintii
Xafladdaasi Maanta ka qeyb gashay ayaa waxaa kamid ahaa Guddoomiyaha
Golaha Maxaakimta Islaamiga Soomaaliyeed Sheekh Shariif Sheekh Axmed,
Guddoomiyaha Golaha Shuurada Sheekh Xasan Daahir Aweys, Kuxigeenka
Sheekh Shariif Sheekh C/raxmaan Janaqow, Abuu Mansuur, Sheekh Yuusuf
Indhacadde, Mas'uuliyiin kasocotay
Maxkamadda Islaamiga ah ee Baladweyne iyo mas'uuliyiin kale oo aad u
fara badan.
Waxaa halkaasi ka hadlay
Mas'uuliyiin fara badan waxaana kamid ahaa Guddoomiyaha Golaha
Maxaakimta Islaamiga Soomaaliyeed Sheekh Shariif Sheekh Axmed,
wuxuuna halkaasi ka jeediyay Khudbad aad u dheer oo dhinacyo fara
badan kaga hadlay.
Sheekh Shariif ayaa
sheegay in Golaha Maxaakimtu Tallaabooyinka ay qaadayaan ay yihiin
kuwa qorsheysan oo aanan jirin cid ay uga baahan yihiin in ay u
meeriyaan Halka ay hawlgaladooda ka fulinayaan iyo sida ay u kala
horeeyaan.
Guddoomiye Sheekh Shariif
waxa uu Ammaan ballaaran u soo jeediyay Maamulka iyo Mas'uuliyiinta
Gobolka Sh/hoose oo uu sheegay in halgankii Muqdisho lagu xureynayay
ay qeybta ugu weyn ka qaateen isla markaana maxaakimtu ay ku
taageereen Naf iyo Maal intaba oo aysan waxba kala hagran.
Sheekh Shariif oo
khudbaddiisii dhinacyo fara badan kaga hadlay ayaa u badneyn arrinta
uu ka hadlay Dhanka Gobolka Shabelaha Hoose, wuxuuna sheegay in
wixii laga sheegi jiray Maanta wixii ka dambeeyo ay dhexda ka
baxayaan Inshaa Allaah.
Sidoo kale Xafladdii
Maanta waxaa ka hadlay Madaxa Ammaanka Golaha Maxaakimta Islaamiga
Soomaaliyeed Sheekh Shariif Sheekh Axmed wuxuuna sheegay in Maanta
wixii ka dambeeya uu iska wareejiyay Maamulka Gobolka Sh/hoose oo uu
ku wareejiyay Golaha Maxaakimta Islaamiga Soomaaliyeed.
Sheekh Yuusuf Indhacadde
ayaa tibaaxay in maanta wixii ka dambeeya Arrimaha Gobolka Sh/hoose
lagula xisaabtami doono Golaha Maxaakimta Islaamiga Soomaaliyeed
Maadaama uu isaga maamulka ku wareejiyay Golaha.
Sidoo kale waxa uu balan
qaaday Sheekh Yuusuf in uu lasii shaqeyn doono Golaha Maxaakimta
Islaamiga Soomaaliyeed isla markaana uu laba jibaari doono hawsha uu
maxaakimta u hayo Inshaa Allaah.
Xafladda
ayaa intii ay socotay laga dheehan karay Beeta Sheekh Zaa'id Bin
Suldaan Al-nahyaan uu ku lahaa Degmada Afgooye oo Xafladdii Maanta
lagu dhigay Shacbiga Soomaaliyeed oo ay wehliyaan Mas'uuliyiin aad u
fara badan oo wada takbiirsanaya.
Lawareegidda Golaha
Maxaakimta Islaamiga Soomaaliyeed ay lawareegeen Maamulka Gobolka Sh/hoose
ayaa soo afjareysa Dacaayaddii ay ka fidinayeen Munaafiqiinta Golaha
Maxaakimta Islaamiga Soomaaliyeed.
Dhinaca kale Xafladdii
Maanta waxaa xusuus mudan oo kuwada sugnaa Guud ahaan
Mas'uuliyiintii kala duwanaa ee Maamulka Gobolka Sh/hoose iyagoo si
aad ahna ugu faraxsanaa lawareegitaanka Golaha Maxaakimta islaamiga
Soomaaliyeed ay lawareegeen Guud ahaan Gobolka Sh/hoose, waxaana
lafilayaa Dhowaan in Golaha ay u hawlgalaan Dhismaha Maamul ay u
wada dhan yihiin Shacbiga Gobolka Sh/hoose in looga dhiso halkaasi.
|