Ciidamadii Tikreega ee Qabsaday Buurhakaba oo kusoo dhawaaday Tuulada Qardho.
Source: Qaadisiya, October 09, 2006 

Muqdisho, 09-October-06 ( Qaadisiya.com) Warar xog ogaal ah ayaa sheegaya in ciidamo Tikree ah ay soo gaareen tuulada Qardho oo 60 km u jirta degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellaha hoose, xilli abaabul xoogan ay wadaan golaha maxkamadaha islaamiga Soomaaliyeed ee ku sugan magaalada Muqdisho oo la xiriirta sidii jawaab looga bixin lahaa duullaanka Ethiopia.

Wariye Cumar C/qaadir oo ku sugan degmada Walaweyn ayaa u xaqiijiyay shabakada islaamiga Qaadisiya  in goob joogayaal ay ku arkeen ciidamo Tikree ah oo ku hubeysan 20 gaari oo ku dagaalka ah deegaanka Qardho, waxa uuna intaa ku daray in dadka kudhaqan degmada Walaweyn ay si weyn u hadal hayaan imaanshiyaha ciidamada Ethiopia.

Dhinaca kale golaha maxkamadaha islaamiga Soomaaliyeed ayaa dhaq dhaqaaq xoogan ka wada magaalada Muqdisho,kaasoo ay kaga jawaabayaan duulaanta Tikreega, waxaana socda kulamo deg deg ah oo arrinkaasi ay ka leeyihiin masuuliyiinta ugu sarreysa maxkamadaha islaamiga iyo kuwa amniga u qaabilsan,kaasoo lagaga tashanayo jawaabta laga bixinayo qabsashada Buurhakaba iyo daan daansiga Tikreega.

Goor dhaw ayaa la filiyaa masuuliyiinta maxkamadaha islaamiga shir jaraa'id in ay ku qabtaan xaruntooda magaalada Muqdisho kaasoo ay kaga hadlayaan duulaanta Tikreega  ay ku soo qaadeen ciida Soomaaliya.

         Hit Counter