Baladweyne,
24-December-06
(
Qaadisiya.com) Gabar 15 jir ah ayaa ku dhimatay
weeraradii cirka iyo dhulka oo ay maanta ciidamada Tikreega ku soo qaadeen
dalka Soomaaliya, taasoo shacabka Soomaaliyeed soo xusuusisay dagaladii
1977-kii dhex maray wadamada Ethiopia iyo Soomaaliya.
Dagaalkii 77 ee dhex
maray labada dal ayaa waxaa ku gacan sarreeyay ciidamada Soomaaliya oo jab
lixaad leh gaarsiiyay ciidamadii Ethiopianka ahaa ee ka soo
horjeeday,taasoo keentay in ciidamada Soomaaliya ay ku dhawaadaan
magaalada Adis Ababa oo qarka u saarneyd in lala wareego haddii aaney ka
soo gaarin Gaalada.
Diyaaradaha dagaalka
Ethiopia ayaa maanta si arxan darro ah u duqeeyay magaalada Baladweyne,
Jawiil iyo Kalabeyr,inkastoo bambaanooyin fara badan ay tuureen
diyaaradahaasi hadana Allaah ayaa ka bad baadiyay dadka reer Hiiraan.
Diyaaradaha dagaalka
Ethiopia ayaa si xun u garaacay xarun lagu dhaqan celin jiray dhalinyarada,
dhismayaal dad rayid ah ay degan yihiin iyo goobo ganacsi, marka la eego
tirada bambaanooyinka ay rideen diyaaradahaasi iyo khasaaraha ka dhashay
ayaa ahaa kuwa aan isu dhigman oo kala fog taasoo mahadeeda uu leeyihay
Allaah subxaanahu watacaalaa.
Ciidamada Tikreega
ayaa sidoo kale diyaarado u adeegsaday dagaalka ay ku soo qaadeen
deegaanka Seddex Higle ee u dhaxeeya Bandiiradley iyo Gaalkacyo,inkastoo
aaney ciidamadaasi ku guuleysan in ay ka soo gudbaan difaacii adkaa oo ay
halkaasi dhigeen ciidamada maxkamadaha islaamiga Soomaaliyeed,waxaana dib
loo jabiyay ciidamadii Tikreega ahaa ee ku soo duulay deegaanka Seddex
Higle ee duleedka magaalada Gaalkacyo.
Jab lixaad leh
ayaa lagu dhigay ciidamadii Tikreega ahaa ee maanta ku soo duulay dalka
Soomaaliya,marka laga soo tago dhimashada iyo dhaawaca faraha badan ee loo
gaystay ciidamadaasi ay u dheer tahay 12 Tikree ah oo nolol lagu qabtay,
kuwaasoo dhawaan saxaafada loo soo bandhigi doono.
Source: Qaadisiya.com |