Buurhakaba,
20-December-06
( Qaadisiya.com) Guddoomiyaha maxkamada
islaamiga Albayaan Sheekh Maxamed Ibraahim Bilaal ayaa goor dhaweyd
u xaqiijiyay shabakada islaamiga Qaadisiya in ciidamada Tikreega
laga saaray 2 fariisin oo ay ku lahaayeen meel u dhaw deegaanka
Iidaale kadib markii saakey iska hor imaad uu halkaasi ka dhacay.
Askari Tikree ah ayaa lagu dilay tiro kalena waa
lagu dhaawacay dagaal shalay galab ka qarxay deegaanka Iidaale kadib
markii ciidamada Tikreega ay ku soo duuleen fariisimo ciidamada
maxkamadaha islaamiga ay joogeen,taasoo jilibka ay u dhigeen
mujaahidiinta oo jab lixaad leh ku dhigay ciidamadaasi.
Sheekh Maxamed Ibraahim Bilaal ayaa sheegay in
dagaalka saakey ka dhacay hareeraha Iidaale in uu ahaa mid si goos
goos ah u socday,isagoo xusay in ciidamada Tikreega ay isaga
carareen fariisimihii ay halkaasi ku lahaayeen kadib markii
mujaahidiinta ay ku siqeen fariisimahaasi.
"Dagaalkii saakey waxa uu ahaa mid goos goos
ah mujaahidiinta maxkamadaha islaamiga waxaa u suura gashay in laba
fariisin oo ay ciidamada Tikreega ku lahaayeen agagaarka Iidaale ay
ka saaraan kadib iska hor imaadyadii saakey qarxay" ayuu yiri
Sheekh Maxamed Ibraahim oo qadka taleefanka ugu warramayay shabakada
islaamiga Qaadisiya.
"Cabsi weyn ayaa soo food saartay ciidamada
Tikreega waxeyna bilaabeen dib u gurasho iyo in fariisimahooda ay ka
baxaan".
Ma jiro wax khasaare ah oo la xaqiijiyay in ay soo
gaareen ciidamada maxkamadaha islaamiga Soomaaliyeed ee difaaca ugu
jira sidii looga hortagi lahaa ciidamada Tikreega ee gumeysi doonka
ah ee ku soo duulay dalka Soomaaliya.
|