Barre Hiiraale oo fariisin ka dhigtay deg. Baardheere

Wed, Sep, 27 2006,Mogadishu Somalia

Baardheere 27, Sep. 06 ( Sh.M.Network) Wasiirka G/dhigga dowladda KMG ah Barre Aadan Shire Hiiraale oo wata Gaadiidka dagaalka iyo maleeshiyaad badan ayaa xalay soo gaaray magaalada Baydhabo, ka dib markii gacan ku heynta magaalada Kismaayo ay kala wareegeen ciidamada maxaakiimta islaamka Somalia oo ku sii balaaranaya gobolo ku yaala Somalia.

Barre Hiiraale iyo kolonyada uu wato oo gaaraya in ka badan 50 baabuur oo u badan baabuurta dagaalka oo xalay soo gaaray degmada Baardheere ayaa xalay waxaa ku soo dhaweeyay Mas'uuliyiin ka tirsan deegaanka.

Maleeshiyada wasiirka ayaa waxa ay magaalada ka dageen xerada Muuri oo 4 km dhinaca waqooyi kaga toosan degmada Baardheere oo horey saldhig ugu aheyd wasiirka.

Wasiirka oo 3 maalin ka soo ambabaxay magaalada Kismaayo oo aheyd xarun uu maamulayay in ka badan 7 sano ayaa isaga soo baxay magaaladaasi, iyadoo wax dagaal ah aanu ka dhicin ka dib markii ciidamada maxaakiimta islaamka Somalia ay ku soo dhawaadeen magaaladaasi, oo aaqirkii dambe ay la wareegeen.

Barre Hiiraale ayaan la ogeyn halka uu uga sii gudbi doono baardheere iyo talaabada xigta uu qaadi doono. hasa ahaatee waxaa la filayaa in maanta uu la yeesho kulamo odayaasha deegaanka.

Imaatinka wasiirka ayaa ku soo beegmay xilli maanta la filayay in degmada Baardheere uu ka dhaco banaanbax looga soo horjeedo maxkamadaha qabsashadooda magaalada Kismaayo oo maalmahaan abaabulkiisa ay wadeen waxgaradka deegaanka.

Axmed Cumar Saalixi

SOURCE: Shabelle Media Network J/hoose

         Hit Counter