Ethiopia:
Warar sheegay in Xilkii laga qaaday Madaxwaynihii deegaanka Cabdulahi
Xasan(Lugbuur)Jijiga(Kilil5)---
Warar
ka soo baxaya Xukuumada deegaanka somalida ayaa la xaqiijinayaa in
xilkii laga qaaday madaxwaynihii dawlada deegaanka somalida mudane
Cabdilaahi Xasan(Lugbuur). Waxaa mudo sadex cisho ah uu xukuumada
deegaanka gaar ahaan xisbiga talada haya uu shir uga socday magaaladan
Jijiga. Wararkan oo xalay fiidkii soo baxay ayaa xaqiijinaaya in
madaxwaynahii deegaanka ay taladii madaxwaynenimo ka qaadeen xisbiigii
talada hayay.
|
|
Wararku waxay intaas ku
darayaan in xil ka qaadida madaxwaynaha ay kadambaysay xukuumada faderaalka oo
awood usoosiisay xisbiga talada haya inay ka qaadaan madaxwaynaha awooda. Waxaa
kale oo ay wararku sheegayaan in dawladii uu dhisay madaxwaynuhu dib loogu noqon
doono dibna loo magacaabi doono wasiiradii uu dhisay madaxwaynuhu.
Wixii warar ah ee kasoo
kordhana waan idinla soosocodsiindoonaa
Jijiga
Kilil5 Online
You
Are Guest Number
|