Gharri
Video
iOnly
in Ethiopia You Can Find These (Sep06, 2007)
Gharri
Dhageettee
Ceelbuur Net
Hillaac.net
Qaadisiya.com
Gharri
Song
Waaga Cusub
Haj Bilow
AlJazeera English
|
|
March
19, 2012 by Gur Gharri
GSG
News Contributor |
Xildhibaan Bishar Ugas Ibrahim Ugas
Cali(Damdamle) oo xubin ka ah Baarlamanka
dowladda federalka Soomaaliyeed aya booqasho
hawleed ku jooga Waqooyiga Amerika.
Xildhibaanka
oo booqashadisa Waqooyiga America ka bilaabey
Magaalada Chicago ee gobolka Illinois
ayaa waxu
kulan la qaatey jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku
dhaqan Magaalada Chicago. Shirkaas oo ay soo
qabanqaabisey xarunta jaaliyadda Soomaaliyeed ee
magaalada Chicago (East African Community
Center) ayaa waxu ka dhacey isla xarunta
jaaliyadda. Xildhibaanka ayaa waxu war bixin
dheer ka bixiyey xaaladda guud ee waddanka
haddey ahaan laheyd xag nabad gelyo, xag
siyaasadeed iyo xag dhaqaalaba. Xildhibaan
Bishar Ugas oo asagu ah nin dhallinyara ah
islamarkaana ah xildhibaanka ugu da'da yar ayaa
waxu si khaas ah ula Hadley dhalinyarada
jaaliyadda Soomaaliyeed ee Magaalada Chicago
asagoo ku boorriyey iney si buuxda uga qeyb
qaataan dib u dhiska dalkooda hooyo. ;
Dhallinyaro fara badan oo da'dina ah kuna sugan
dalkooda hooyo maamta ma heystaan fursaddaan
qaaliga ee aad qurbaha ku heysataan haddey ahaan
laheyd nabad gelyo,dhaqale, iyo waliba maskax
fiyoow" ayu yiri xildhibaanku mar uu
dhalinyarada la hadlayey.
Madaxa
jaaliyadda Soomaaliyeed ee Magaalada Chicago Mr.
Yuusuf Aadan Cali oo aan wax ka weydiiney
booqashada Xildhibaanka ayaa ku tilmaamey iney
aheyd fursad qaali ah oo jaaliyaddu heshay isla
Markana u mahadceliyey Xildhibaanka sida
hagaagsan ee uu waqtigiisa u siiyey uguna haqab
tirey baahidi ay u qabeen iney war wax ku ool ah
ka helaan kulankan.
Xildhibaanka aya sidoo kale noo sheegay in
booqashadisa Waqooyiga Amerika uu ku tagi doono
magaalooyin kale oo ay ku badan yihiin bulshada
Soomaaliyeed
Mar aan
Xildhibaanka weydiiney waxyaabihi uu qabtey inti
uu Xildhibaanka ahaa ayaa waxu noo sheegay inuu
aad ugu dadaaley wacyi gelinta asago mar walba
dhalinyarada Soomaaliyeed war baahinta uga a
Sheegi
jirey una fududeyn jirey iney kaalintooda
qaataan. Sidoo kale waxu xildhibaanku diyaariyey
moonshin uu kaga hadlayey arrimaha dhalinyarada
Soomaaliyeed iyo caqabadaha u gaarka ah ee
heysta dhalinyarada . Xildhibaanka aya xubin ka
ah guddi hoosaadka barlamaanka soomaaliyeed ee
arrimaha dhallin yarada.
Waxii
faafaahin dheeri ah oo ku saabsan booqashada
Xildhibaankan si toos ah ugala soco barta
internetka africanewsonline.com
|
|
|