The opinions contained in this Forum are solely those of the writer, and in no way, form or shape represent the editorial opinions of GARREONLINE.COM

Waxaan filayaa in aad la socotaan wixii ka socda Baraawe iyo wixii ka dhici doona Baalcad. Sept. 16, 2005

Waxaan filayaa in aad la socotaan wixii ka socda Baraawe iyo wixii ka dhici
doona Baalcad. Arintan  aya aad iyo aad walbahaar iyo xanaaq nugu haysa.
Waxaasee murug leh in weli madaxda Digil iyo Mirifle weli aay isku haystaan
cidii Gudoomiye ka noqon leheed tuulooyin ku yaala Bay iyo bakool ayagoo
iska dhegetiraaya danta guud ee qowmiyadda D & M. 

Arrintaas waxaan u aragnaa nasiib darro, ficil darro iyo maangaabnimo intaba. Waxaansee ku raja weynahay in uu shirkaan qabsoomi doono iyo in natiija wanaagsan aay ka soo baxi doonto. Waxaan kaloon idin la talineynaa in aadan waqti ku luminin khilaafka ka dhaxeeyo D & M ood micna weyn siinin khilaafkaas ood u gudubtaan arinta dowlad goboleedka Southwest State iyo dhaqdhaqaaqa laga
wedo Baraawe iyo Baalcad.

Waxaan dareemeeyna in mar dhow lagu dhawaaqi doono dowlad gobolleed laga
dhex abuurey Southwest State. Taasi waxaay keeni doontaa in dhulka D & M uu
boob galo oo Baay iyo Bakoolna aay noqdaan laba gobol oo Mirifle aay ku
dagaalamaan. Qowmiyadaha kale oo D & M oo ku dhaqan Kedi, Jubba Dhexe,
Jubbada Hoose iyo Shabeelaha Hoose iyo Somaali Baantu waxaay geli doonaan
adoonsi aanay weli gooda ka bixi doonin. Eedaas waxaan dusha ka saareynaa
madaxdeeni ( Shariif Xassan, Shaati Guduud, Aadan Madoobe, Kiishbuur iyo
Xaabsade).

Haddii aad tihiin nabaddoonada, malaaqyada iyo waxgaradka D & M waxaan idin
ka codsaneeynaa in aad warbixin xoogle kasoo saartaan shirkaan ood si toos
ah u abbaartaan cadowgeena oodan ka xishoonin. waxaan kaloon idin ka
codsaneeynaa in aad boorka ka jaftaan documentiga dowlad goboleedka
Southwest State oo Shati guduud uu madax ka ahaa. 

Waa in aad ku dhowaaqdaan in aad dagaal xegsan doontaan hadii Barre Hiiraale, Abdiqassim iyo Indha Cadde ay ka noqonin arinta dowlad abuurista gudaha dalkeena. Waa in aad magacowdaan gudoomiyeyaal cusub oo ka howl gala gobolada jubooyinka, Kedi iyo Shabeelaha Hoose intaad ku dagaalami laheydeen ‘Siyeed’ iyo ‘Sagaal.’ 

Waxaan idiin rajeeyneynaa guul iyo is afgarad wacan.

Wabillahi Toowfiiq.

Abdulkadir Khalif