WARARKA BEESHA IYO OROMAADA

   Dhowaan waxaa nageele oo ah magaalo ka mid ah gbolka guji  la isugu yeerey dhammaan maamumulada heer  gobol  iyo  heer degmo  Soomaalida iyo  Oromada, isla dega  konfurta Itoobiya gaar ahaan kuwa soo saaran xadka kenya ay la wadaagto Itoobiya.

Waxaana shirkaas  ka  soo  baxey go'aanadan hoos ku  qoran

   1-Si degdeg ah  in xabbada  la  joojiyo

  2- In waddooyinka xirnaa dib  loo  furo

  3- Ciidamada la soo ururiyey ee labada beelood si degdeg ah  in la  kala diro

Go'aanka halkaas lagu gaarey waxaa ka maqnaa degmooyin Oromo ah 

Waxaa nagu maqaal ah  degmooyinkaas  in ay weli ku jiraan abaabul dagaal oo doonayaan in ay dagaal ku soo qaadaan degmooyinka Soomaalida ay garruhu  degaan

kililka  Oromiya ayaan ku tuhmeynaa in uu wax ka wado dagaalka ka socda aaga

Ayaamihii hore dagaaladii ka dhacey aagaas waxaa lagu diley dhowr qof oo ka mid ahaa shaqaalaha kiliilka Oromiya  dadkaas  oo qaar ay yihiin dad derejo  sare ka haya maamulada degmooyinka soo duulaan tagey,

Akhbaarada danbe ayaan ku soo bandhigi doona magacyada shaqaalayaasha lagu diley dagaalka dhexdiisa iyo derejada  ay siteen, 

Qore: Memberka GSG Moyale

SATURDAY FEBRUARY 14, 2009 

Hit Counter