Diinsoor,
08-December-06
( Qaadisiya.com) Ciidamada
maxkamadaha islaamiga Soomaaliyeed ayaa jab
lixaad leh gaarsiiyay ciidamada Tikreega iyo
kuwa la socda ee calooshood u
shaqeystayaalka ah ee ku soo duulay degmada
Diinsoor ee gobolka Bay.
Ciidamo
Tikree ah iyo kuwa ka tirsan kooxda C/llaahi
Yuusuf ayaa manta ku soo duulay degmada
Diinsoor,waxaana jilibka u dhigay ciidamada
maxkamadaha islaamiga iyo dadka deegaanka.
Wararkii
ugu danbeeyay oo ay shabakada islaamiga
Qaadisiya ay ka soo xigatay saraakiisha
ciidamada maxkamadaha ee ku sugan furinta
hore ee dagaalka ayaa sheegaya in Allaah uu
garabkooda ka baxay ciidamadii duulaanka ku
soo qaaday degmada Diinsoor,ciidamada
maxkamadaha islaamiga ayaa eryanaya Tikreega
iyo kuwa la socda ee sheeganaya
Soomaalinimada.
Saraakiisha
ayaa intaa ku daray in aaney haatan ka hadli
Karin khasaaraha lagu dhigay cadawga,waxa
ayna ballan qaadeen in saxaafada ay u soo
bandhigayaan jabka cadawga Alle lagaarsiiyay.
Ciidamada
maxkamadaha islaamiga ayaa ku sii siqaya
fariisimaha cadawga,waxa ayna wacad ku
mareen in ay sii wadayaan halganka ilaama
ciidamada Tikreega laga saarayo ciida
Soomaaliyeed. |