Itoobiya oo sheeganeysa in ay Maxaakimtu wada hadal layeesheen iyo Golaha Maxaakimta oo beeniyay Warkaasi.

Jabuuti, 04-December-06 ( Qaadisiya.com) Sida saakay lagu soo daabacay web site-ka BBC-da ay leedahay oo lagu sheegay in ay kulan kuyeesheen Magaalada Jabuuti Saraakiil kasocota Dowladda Itoobiya kana tirsan Wasaaradda arrimaha dibadda iyo Golaha Maxaakimta Islaamiga Soomaaliyeed kagana wada hadleen arrimo fara badan ayaa waxaa beeniyay arrintaasi Golaha Maxaakimta Islaamka Soomaaliyeed.

Prof.Ibraahim Xasan Caddow oo ah Madaxa Waaxda Arrimaha Dibadda Golaha maxaakimta oo Warbaahinta Gudaha la hadlayay ayaa waxa uu sheegay in uusan waxba kajirin sheegashada itoobiyaanku ay sheeganayaan in ay kulan la qaateen Mas'uuliyiin katirsan Golaha Maxaakimta Islaamiga Soomaaliyeed gaar ahaan waaxdooda Arrimaha Dibadda.

Prof.Caddow ayaa sheegay in ay jirto xiriir uu lasoo sameeyay wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda Dowladda itoobiya kana codsaday in ay kulmaan, waxaana ugu jawaabnay ayuu yiri Prof.Caddow in inta dalka Soomaaliya ay kujiraan aysan marnaba la hadli doonin itoobiya haddii ay doonayaanna in ay wada hadlaan ay marka hore kasoo saaraan Ciidamadooda Gudaha Wadanka Soomaaliya.

Wuxuu sidoo kale sheegay Prof.Caddow in hadalka la shaaciyay ee ah in kulan uu dhex maray Itoobiyaanka iyo Maxaakimta uu yahay mid aanan waxba kajirin wada hadalkaasi yarna aanan la oran Karin ayuu yiri Prof.Caddow kulan baa dhacay.

Gaalada oo iyagu looga bartay beenta ayaa inta badan iska sheekta waxyaabo fara badan oo been ah, mana ahan markii ugu horeysay oo Warar been ah ay u dhiibaan Warbaahinta Isla markaana ay warbaahintu xaqiijin la'aan iska baafiya.  Source: Qaadisiya.com  

YOU ARE GUST #Hit Counter