WARARKA BEESHA IYO SOOMAALIA

   SHIR LAGU QABAN DOONO MAGAALADA COLUMBUS, OHIO USA

24-25th DECEMBER, 2005:

Shir ballaaran oo looga hadli doono dhibaatooyinka iyo dhulballaarsiga ka socda koonfurta Soomaaliya ayaa lagu qaban doonaa magaalada Columbus ee Gobolka Ohio, USA bisha December 24-25, 2005. Shirkaas oo si wanaagsan loo soo agaasimey ayaa waxaa la filayaa in aay ka soo qayb galaan dadweyne fara badan oo xiiseeya arrimaha gobolka Banaadir iyo koonfurta Soomaaliya. Shirkaas oo ujeedadiisu tahay in dadweynaha Soomaaliyeed ee dibadda ku nool loo soo  bandhigo xaqiiqda dhabta ee koonfurta Soomaaliya waxaa halkaas warbixinno ka soo jeedin doonaa dad xog ogaal ah.

Arrimaha shirka looga hadli doona waxaa ka mid ah:

  1. Isku dulnoolaanshaha ka socda gobolada Shabeelaha Hoose iyo Jubbooyinka.

  2. Warbixin xaaladda dhabta ee degmo kasta ee Sh. Hoose, Ceelwaaq iyo Jubbooyinka.

  3. Ka hortagga xukunka qabiiliga ee dhiiga miiradka ah.

  4. Canshuurta sharci darrada ah ee dadka laga qaado.

  5. Ka hortagga dhir jaridda iyo bad wassaqaynta.

  6. Xaaladaha agoonta ee gobolada Sh. Hoose, Jubboyinka iyo Degmada Ceelwaaq.

Waxaa dabadeed SHIRKAAS dhammaadkiisa laga soo saari doonaa BAYAAN ka tarjumaya xaaladda dhabta ee koonfurta Soomaaliya iyo wixii laga qaban lahaa.

KALA SOO XIRIIR ARIMAHA SHIRKA E-MAILADA HOOS KU QORAN:

sheiknor@hotmail.com

khalif8888@hotmail.com

 

Hit Counter