The opinions contained in this Forum are solely those of the writer, and in no way, form or shape represent the editorial opinions of GARREONLINE.COM

 KIBIR MA JABO NINKIISA AYAA JABO Qore Cabdiraxiim Xaaji Mayo 24, 2006  

Maqaalkani waa mid aan ugu talogalnay inaan digniin iyo hanjbaad ku siino maamulka burcadda ah ee ka amar kutaagleeya Gobolka Shabeelaha Hoose.

Hordhac:

Sida ay dhammaan ummadda soomaliyeed ay la socdaanba waxyaabihii laga dhexlay dagaalada sokeeya ee dalkeena ku habsaday waxay aheyd in dadyow ay ujeedadooda aheyd in la bedelo xukunkii kaligii taliska ahaa ee militiriga. Sida isbedelkaasi ku yimid weynu wada ogsoonahay, wuxuuna ahaa mid ku yimid kacdoon shacbi(popular uprise). Qolooyin kale waxay lahaayeen ujeedo u qarsoon oo mar dambe soo ifbaxday.  Taasoo aheyd in shacbiga soomaaliyeed la xasuuqo,hantida gaarka ah iyo tan qaranba la boobo,  in kaabayaasha dhaqaale ee uu dalka lahaa la burburiyo,dil ,dhac iyo waxkasta oo ka dhan ah  xuquuqda insaanka (crimes against humanity) la adeegsado, laguna kaco shucuub aan isdifaaci Karin.

Waxaa taasi ka sii darneyd in dhul aysan laheyn ay boobaan, dadkii  soo jireenka ahaa ee dhulalkaa iska lahaa lagu sanduleysto aduunsi iyo falal bani’aadamka ka dhan ah. In  si xaq daro ah dhul beereedka iyo kheyraadka goboladaasi loo boobo.

Hadaba, arrimaha aan soo xusay waxaa si waaqici ah looga hirgelieyey gobolada shabeelaha hoose,banaadir, Jubooyinka hoose iyo dhexe iyo gobolka Gedo.

Waxaa waayaha soo jireenka ah iyo taariikhdii hore iyo maanta joogtaba na bareysaa in dadka dulmiga iyo xaqdarada adeegsadaa ay u dambeyn doonto burbur iyo taariihkh muqdi ah oo markastaba lagu xuso bogga taariikhda.

Marlabaad sidii uu horayba  u yiri gabayaagii reer Tuunis “ Haddii ay ummadi rabto nolol iyo jirtaan, Qadarka Eebe ayaa u ajeeba”.

Hadaba, maamulka burcadda ah ee xaqdarada kaga taliya Gobolka Shabeelha hoose ee uu hogaamiyo Indha Cadde u sheegeynaa in waqtigiisii dhammaaday.  Dadweynaha goboladaa ku noolna ay maanta diyaar u yihiin halgan aan laga soo laaban doonin oo ay ka dhabtahay in ay soo ceshadaan xuquuqdooda iyo sharaftooda ee la duudsiiyey.

Waxaan kaloo u sheegeynaa in horay loo yiri “ninkii dhoof ku yimid baa geeeridu dhibeysaa”.

Halgankii xoreynta iyo iska tuurista heeryada gumeysiga ma xishoodaha ah wuu bilowday. Mana  istaagayo ilaa ay ummadahaasi ay helaan neecowda xuriyadda.

Runtii waxaa la yaab iyo amakaag noqotay in ummadda soomaaliyeed ay gumeysi ku qabsadaan dad sheeganaayo inay Sommali wada yihiin.

Waa arrin mucjiso ah oo weli si dhab ah aan  looga wada hadlin.

Shirarka dib u heshiisiinta Soomalieed waa lagu soo qaadaa in dhulal laga haysto ama hanti la isku celiyo.  Balse marnaba lagama hadlo Dadyowga Gumeysiga isir tiirka ah ku jiro oo la doonayo in dad deegamadooda ka soo hayaamay ay dhul aysan laheen boobaan, welina rabaan inay ku tarmaan si berri ka maalin ay u sheegtaan in ayaga goboladaasi leeyihiin..

Sida aan horay u soo xusayba, waxay taariikhdu na bareysaa in Diktaatooriyad badan burburtay, kaligii talis badan afka ciida loo galshay…sidaasi waa soo jireen waayaha aan ka baranay…aaway Jeneral Iidi Amiin, Charles Tyler, Hitler, Milosovich…..iyo kuwo kale oo farabadan.

Waa inay ogaadaan kuwa haatan ka taliya Gobolka Shabeelaha hoose iyo gobolada kale ee Jubooyinka iyo Gedo inay arrintooda ku dambeyn doonto “ KIBIR MA JABO NINKIISA AYAA JABO”.

Haatan inta gore goor tahay waa inay si nabadgelyo ku jirto ay iskaga baxaan goboladaasi,  ayna  ku noqdaan gobolada ay ku abtirsadaan.

Ha waarto xoriyadda iyo cadaalada. Waxaana hoog ,baaba’iyo burbur ku dambeyn doono ku caado ka dhigaty dilka, xaqdaradda, boobka iyo cadaalad daridda iyo nidaam dawlad naceebka.