The opinions contained in this Forum are solely those of the writer, and in no way, form or shape represent the editorial opinions of GARREONLINE.COM

Gumaysigii cusbaa & Dhibaatooyinkii cuslaa ee lagu hayey dadka shabeellada Hoose degan oo la sii labalaabay.

Posted to the Web Oct 14, 2005

Marka:- Beelaha Soomaaliyeed (Digil) waxay bisha Ramadaan ee barakaysan u dhalatay iyagoo ku jira gumaysigii ugu xumaa ee abad soo mara, kaasoo ka sii liita kii Talyaaniga iyo Ingiriiska oo hore u soo gumaystay gobolkaasi, wuxuu kaloo uu gumaysigaasi ka siiliitaa dhibaatada Yahuudda ay ku haysto dadka reer Falastiin,waxaa dadkeenna lagala wareegay beerihii, 20kii qof ee digil ah ee leh Beero deris ah waxaa lagu wareejinayaa qof Cayr ah oo ka socda dhanka Xasan Daahir Uweys iyo Yuusuf Indho-cadde, sidaa laguma daayee waxaa 20kaasi qof waxaa lagu amraa inay si joogto ugu soo xaadiraan Beertasi si ay u noqdaan shaqaale Beera fala, waxaa intaa weheliya in lagu soo rogay kiro laga qaado qofkastaa gurigiisa bilkas taa sida Jizyada Diinta Islaamka ay ka qaaddo Gaalada dhulkeeda la qabsado.

Beesha Biyomaal oo degaankeeda yahay degmada Marka markay Jizyada

(Kirada) lagu soo rogay dadka Reer Markood markay ay diideen wuxuu Indho-Cadde u soo faray farriin ah inay iska soo xulaan 5 Oday oo la xaajooda, markay 5tii Oday ay la kulmeena oo laisku fahmiwaayey wuxuu u soo jeediyey 3-dii Agoosto,2005-ta qoorta ayuu u dheereeyey(wuu dilay), in badanna xabsiyada ayaa la dhigay, Soomaalida waxay ku maahmaahdaa(Waysha qal dibiga ha ku
quusqaato) si inta soo hartay u aqbalaan bixinta Jizyada lagu xukumay.

Intaan tusaale ayaan u soo qaadanay ee lama soo koobi karo waxa nala ku sameeyo & isir tirka.Shirkii Xasan Daahir Uweys iyo xulafadiisa ay ugu magacdareen Badbaadinta Soomaaliya waxaa waaye in laga badbaadiyo Beesha ay ka soo jeedaan ee Cayr (ee degaankooda yahay Koonfur Mudug & Qayb ka mid ah gobolka Galgaduud) guud ahaan gaar ahaan Cayr cidkastoo isku dayda inay ka hor istaagto gumaysiga ay dadkaayna ay ku hayaan iyo cid kastoo isku dayda dib ugu celinta gobolkooda Galgaduud, shaatiga diinta Islaamka ee sidii Mustashriqinta la isku qarinayo ha wada ogaadeen dhammaan culimada Soomaalida, waxgaradka,aqoonyahannada, ururada bulshada rayidka, ururada haweenka iyo ururada dhallinyarada Soomaaliyeed waxaan wada jir uga codsanaynaa inay beri ka noqdaan Gaala Madowga xoogga nagu haysta ee na dhadhansiiyey caddaabka adduunyo, gacan Islaamnimo ,Soomaalinimo, & mid bani aadanimo inaad naga siisaan sidii heeryada gumaystayaasha Reer Galgaduud ee dhibaatada joogtada ah ku haya walaalihiina Muslimiinta ah ee awooda daran.

Waxaan kaloo ka codsanaynaa Caalamka Islaamka inay beri ka noqdaan Xasan Daahir Uweys iyo koxdiisa ee ka beensheega diinta Islaamka una barteen adduunyo doonyo sidii Mustashriqiintii oo kale wax rajo ay aakhiro ay ka leeyihiinna ma jirto , waxayba jannada u haystaan joogista beeraha dhulka 2da wabi oo ay xoog ku qabsadeen iyo gacan joogto naga siiyaan sidaan isaga kicin la hayn kuwa xaqdarada nagu haysta.

Dhallinyarada reer Digil waxaan kula talinaynaa in taba bartaan oo ay hubka qaataan oo ay billabaan jihaad looga xoraynayo Shabeellada Hoose Gumaysiga ka liita Yahuudda Falastiin haysata, ku dayda kacdoonkii Dhallinyarada Reer Falstiin oo ugu dambayn keenay inay Yahuudda ka baxdo marinka Gaza,ku dayda Xisbullaahi oo Yahuudda ku khasbtay inay isaga cararto koonfurta Lubnaan ka dib markii xukuumadda Natanyahuu ay millateri iyo siyaasad ahaan u fashilantay.

Waxaan kula talinaynaa dhalinayarada DIGIL inay bilaabaan kacdoon aan kala har lahayn oo kala soo horjeedaan kuwan xalaalaystay waxkasta oo shacabka DIGIL lahaayeen waxaana faraynaa Shacabka DIGIL ee kusugan gudaha iyo dalka inay nala qaataan go'aamadan:

1- Inay lacag iska aruuriyaan si loogu socodsiiyo jihaadka looga xoreeynayo Shabeellada hoose.

2- Inaad Ku tarjuntaan luqadaha dalalka aad ku kala nooshihiin warbixintan iyo go’aanadan guud ahaan gaar ahaan kuwa ku dhaqan dalalka carabta si ay Guud ahaan beesha caalamka & gaar ahaan caalamka Islaamka uga goostaan taakulada ay siiyaan Kooxaha Itixaad & Islaax ee kula bahoobay inay ku taageeraan Xasan Daahir & Yuusuf Indho Cadde gumaysiga iyo cadaabka joogtada ay ku hayaan muslimiinta Shabeellada hoose.

Saxaafadda carabta,dalalka Islaamka & kuwa Galbeed si jooto ah inaad ugu gudbisaan akhbaarta aan idin soo gudbino hadba wixii soo kordha.

Nabiga(scw) wuxuu yiri:(Adduusu laa yadkhulu Janna): Dayuuska Jannada ma galo.Dayuus: waxaa la yiraahdaa qofka aan ka qiiroon Xaaskiisa,Hooyadii,Walaashii iwm oo hortiisa lagu kufsanayo, ama aabihii iyo eheladiisa qaarkood oo hortii lagu dilayo, ama hantidiisa oo inta la dhacay la xalaaleystay iwm . Nabiga(scw) wuxuu yiri: ( qofkii geeriyooda isagoo difaacaya xaaskiisa,maalkiisa waa shahiid ) waxaa qofka Muslimka waajib ku ah inuu difaaco: Nafsadiisa, Maalkiisa, Sharafkiisa iyo ehelkiisa .

Gunnimo & Gobanimo:

Ummadaha caalamka waxay soo mareen labadan tilmaamood oo kala ah Gunnimo,Gobanimo oo loo micneynkaro sidan:

Gunnimo waa:Dad laga itaal roonaaday oo xoog lagu qabsaday oo la xalaalaystay Dumarkooda, Xoolahooda,Dhiiggooda iwm. Shardi ma aha inay qolodaasi inay tiro badan tahay ama ay tiro yar tahay, muhiimadda waa in laga itaal roonaaday oo la qabsaday oo la dullaystay, Tusaale: sidii Fircoon iyo Qoomkiisa Qibdhiyiinta ay uga itaal roonaadeen Reer Banii Israa’iil oo ay u banaysteen haweenkooda una layn jireen wiilashooda ilaa uu Rabbi ka soo dhex saaray Nabi Muuse oo ka xoreeyey heeryadii Gumaysiga Qibdhiyiinta ay Faraacinada horseedka ka ahaayeen (akhri Qur’aanka),Guunimadii ayuu ka saaray,waxaa diintii Rabbi oo ah Gabannimo xambaaray wiilashii Reer Banii Israa’iil.

Gobanimo: Waa dad ku nool xorriyad oo ay u taliyaan mas’uuliyiin iyaga ka tirsan oo qab sharafeed uu ka muuqdo kana fogaada wax kastoo xun oo laga xishooda, Tusaale : Quraysh oo uu Nabigeenna (scw) uu ka dhashay waxay ahaayeen qolo degan jasiiradda Carabta oo ay u taliyaan odayaashooda,waxay ka badbaadeen gumaysiyadii Ruumka & Faaris ee haytsay dalalka carabta ee ka soo haray Jasiiradda Carabta, waxaa u suuro gashay Nabiga(scw) & asxaabtiisa inay kaga takhalusaan Imbiraadooryadihii Caalamka xilligaa ugu awoodda badnaa ee Ruum & Faaris , waxaana taa ugu wacnaa iyagoo gobannimo ku nool & Diinta Islaamka oo gobannimo ah, kuma uusan rafaadin sidii Nabi Muuse(scw) uu ugu rafaaday waayo gunnimo ay ugu yaraan Qarni ku noolaayeen, way adkaatay marka hore in diintii oo Gobanimo ah ay isla markiiba qaataan iyagoo gunnimo ku jira.

Taariikhahan & Tusaalooyinkaan waxay dadkeena reer Shabeellada hoose ka anfacayaan sidii ay uga qiiriin lahaayeen dulliga ay maanta ku jiraan iyagii Alle ku kalsoon oo u toobad keena ay si wada jir isga dhiciyaan Gumaystayaasha nala wata magaca Soomaaliyeed ee aan aqoon Alle,Rasuulkiisa & maalinta qiyaamo , haba sheegteen qaarkood ama horseedayaashooda inay yihiin Culimo, waxay Soomaali ka wada dheregsan tahay yihiin sidii Culimadii Reer Galbeedka(Mustashriqiin) ee Diinta Islaamka u Bartay inay adduunyo ugu helaan dadkooda & dowladahooda.

Soomaalida inta wanaaga jecel waxaan u sheegaynaa in Waxaan ka hadlayno ay yihiin wax jira amaba aad la socotaan,xaqiiqdana laga qariyey dhibaatooyinka Haysta shacabka Reer Markood.

Wada Shaqayn wacan.
Gaashaanle Sare: Bishaar Tel:254-720875674
Guddoomiyaha
Digil Salvation Army
Kala Xiriir :heerada1@yahoo.com

Maxamed Cali Cabdi
guddoomiye ku xigeen
Tel:254-722926974
NB: Digil Salvation Army