War
deg deg ah
Kismaayo 23, Jan.07
( Sh.M.Network) Cutubkii
ugu horeeyay ee ciidamada Ethiopia ee ku
sugnaa magaalada Muqdisho ayaa maanta
bilaabay in ay isaga baxaan caasimadda
Somalia, ka dib munaasabad lagu sii
sagootinayay oo ka dhacday garoonkii
ciidanka Cirka ee Afisyoone ee magaalada
Muqdisho, iyadoo sidoo kale xafladdaasi
lagu wareejiyay hubkii laga uruuriyay
hogaamiye kooxeedyadii
|
Ciidamada
Ethiopia oo wata calankooda oo
salaan siinaya Genereel iyaga
hogaaminayay gudaha garoonka cirka
ee Afisyoone ee magaalada Muqdisho |
|
Sarkaal
Ethiopian ah oo ag taagan gawaari
jiideysa madaafiic oo ka sii
baxeysa caasimadda |
|
Ciidamada
Ethiopia oo alaabahoodii ku rartay
gawaari oo ka sii baxaya
caasimadda |
|