The opinions contained in this Forum are solely those of the writer, and in no way, form or shape represent the editorial opinions of GARREONLINE.COM

Bismi-Allahi alRaxmaani alRaxiim

Warsaxaafadeed ku saabsan kulunkii dhawwaan dhexmaray Barre Hiiraale & xulufadiisa, oo ah gumeystayaal ka soo duulay Gobolka Galguduud, iyo Maamulka Kenya ee Degmada Mandera oo ku kulmay agagaarka Ceelwaaq si loo gaaro nabad.

August 14, 2005; PR#7.08.05

Innagoo ah xafiisyada hoos ku magacaaban, waxaan u aragnaa kulanka dhexmaray Barre Hiiraale iyo xulufadiisa iyo dhinaca kale Guddomiyaha Degmada Mandera iyo xubnihii la socdey mid aan habbooneyn islamarkaasna ah jahawareer siyaasadeed marka laga eego xagga siyaasadda gobolada ee dalka Somalia, xiriirka xuduuddada ee Somalia iyo Kenya, iyo xaqiida dhabta ah ee arrimaha Ceelwaaq iyo Gobolka Gedo.

Barre Hiiraale iyo Xulafdiisa ee Juba Valley oo loo yaqaan “Walaalaha Galguduud” waa guumeystayaal cusub oo ka yimid gobolka Galguduud ee bartamaha Somalia, kuwasoo weerar ku soo qaadey dhulka digil iyo mirifle ee loo yaqaan dawlad-goboleedka koonfur-galbeed Somalia, laga soo bilaabo muddadii ay dhacdey dawladdii dhexe ee Somalia. Xulufado waxay mar hore qabsadeen dhulal badan oo ka tirsan Shabeelada Hoose, Jubada Hoose, Jubbada Dhexe, iyo Gobolka Gedo iyagoo isku daya haya in abuuraan dawlad goboleedka shanaad, kana abuuraan si sharci darro ah dhulka ay leeyihiin dadka Digil iyo Mirifle.

Quwwadaha xoreynta ee dadka Digil iyo Mirifle labadiisa dhinacba, dhinca Siyaasadda iyo dhinaca Militirigaba, waxay mar hore bilowbeen hawsha lagu xorreynayo dhulka hooyo iyagoo ka xorreynaya quwadihii qabsadey laga soo bilowbo markii ay dhacdey dawladdii Somalia. Dagaalakii u danbeeyey ee Ceelwaaq waa mid ka mid ah halkankaas lagu xorreenayo dhulka D/M oo ay hoggaaminayaan ciidanka badbaadada ee Garre.

Barre Hiiraale iyo xulufadiisa waxay ku xadgudbeen heshiiskii nabadda ee lagu saxiixay shir nabadeedkii Nairoobi, ee Kenya. Haddii Barre Hiiraale iyo xulufadiisa run ahaantii ay ixtiraamayaan horriyadda dadka, islamarkaasna ay doonayaan nabad, waa in ay ka baxaan dhulka Digil iyo Mirifle kuna noqdaan gobolkii ay ka yimaadeen ee ka tirsan Puntland, awooddana ay ku wareejiyaan dadka asalka iyo aqlabiyadda ah ee Digil iyo Mirifle ee ukala dhashey gobolada kala duwan ee Dawlad Goboleeda koonfur-galbeed.

Haddii ay doonayaan dawladaha safka hore ee Somalia, IGAD, iyo sidoo kale wakiilada hee’adaha caalamiga ah in ay ku lug yeeshaan ka hadalka dhibaatooyinka dhulka la gumeysto ee Digil iyo Mirifle, haddaba waa in ay la hadlaan hee’adaha ku shuqul leh ee siyaasadda iyo dagaalka ee xooggaga xoriyadda ee Digil iyo Mirifle ee ma aha in ay la hadlaan xoogagga gumeysiga iyo xadgudubka.

Halkan hoose waxaa ku taxan garabyada siyaasadda xoogagga xoreynta:

¨       Xafiiska Siyaasadda ee “Gobta Reewiin” (POGR) – oo ah awoodda ugu sarreysa ee qoyska Garaadyada (boqorrada) ee Digil iyo Mirifle.

¨       Golaha Wadatashiga caalamiga ee SDM – oo ah Xisbiga siyaasadda casriga ee dadka SDM heer dawlad goboleed, mustaqbalkana u taagan dhammaan dhammaan dadka soomalieed heer federaal.

Hoos waxaa sidoo kale ku taxan liiska garabyada Militiga ee xooggaga xoriyadda ee dawlad goboleedka “Southwest State” (SDM)

¨       Reewin Resistance Army (RRA)

¨       Digil Salvation Army (DSA)

¨       Shanta Geed Ganaane Army (G5A) – Xulufada dadka dega Jubba Valley ee Asalka.

Haddii aad qabtid wax su’aal ah, fadlan arag bogogga aan ku soo bandhignay warsaxafadyadii hore sida Luuq.net, Buurhakaba.com, iyo Arlaadi.com iwm amaba la soo xiriir Sh. C/salaan A. Malla, Mas’uulka hawlfulinta ee POGR islamarkaasna ah aasaasaha koowaad ee SDM-CCI. Email DMCCI@luuq.net