Shirwaynihii
XDSHSI ee 7aad oo Lagu
Doortay Golaha
Dhexe,Gudiga Fulinta iyo
Hogaaminta Xisbiga.
Birqod(CakaaraNews)
Axad August
12,2012.Galabnimadii
Shalay iyo Habeenimadii
ayaa uu Shirwaynaha
XDSHSI uu halkiisii ka
sii socday,maadaama
galinkii hore ay ahayd
soo gudbintii waxqabadka
xisbiga iyo doorashadii
gudiga hogaaminta
shirwaynaha 7aad ee
XDSHSI,maadaama Mudadii
sharciga ahayd uu ka
dhamaaday Golihii
Dhexe,Gudigii Fulinta
Xisbiga iyo
Hogaamintiiba,si loo
Doorto Gole Dhexe,Gudi
fulin iyo Hogaaminta
Xisbiga. Galinkii Danbe
ayaa ay Ergooyinkii
Shirwaynaha
7aad(Caadiga) ee XDSHSI
ka soo Qaybgalay u
Codeeyeenn 5 Xubnood oo
ah Gudiga hogaaminta
Shirwaynaha Mudada
Doorashada lagu
jiro,halkaasoo lagu
Doortay 47 Xubnood oo ah
Golaha Dhexe ee Cusub oo
ay u Badnaayeen Wajiyo
Cusub oo ay ku jiraan
Dumar ay ka Mid Yihiin
Marwo Raxma Suldan
Maxamud Haybe iyo Marwo
Fartuun
Mahdi,islamarkaana Xubno
badan ay lug baxeen oo
hore uga mid ahaa Golaha
Dhexe iyo Gudiga Fulinta
Xisbigaba.
Dhanka
kale isla habeenimadii
Xalay ka dib Doorashadii
Golaha Dhexe ee Cusub,
ayaa hadana ay
Ergooyinku Doorteen
Gudiga Kormeerka iyo
Dabagalka Xisbiga oo ay
ka mid ahaayeen 1- C/wahaab
Rashiid Gudoomiye 2-
Mudane Aadan Faarax G/xigeen
3- Mudane Maxamed Faatax
Maxamed Xoghayn 4-
Mudane Cabdulaahi (Garbo)
5- Mudane Ibraahin Juruf
6- Mudane Maxamed Cabdi
7- Mudane Ilyaas Abiib
8- Mudane Cabdi Muxumed
Cali iyo 9- Mudane
Maxamed Shariif.
Doorashada
Golaha Dhexe iyo Gudiga
Kormeerka ka dib ayaa ay
Dhamaanba
Ergooyinkii,Qurbajoogtii,Wakiiladii
Asxaabta Siyaasadeed iyo
Martisharaftii ka soo
Qaybgashay Shirwaynaha
7aad ee XDSHSI ay ka soo
Dareereen Hoolkii
Shirwaynuhu ka Socday
Mar hadii ay Si sharci
ah,Democratic ah oo
cadaalad ku salaysan ku
doorteen Golaha Dhexe ee
XDSHSI iyo Gudiga
Baadhista iyo Kormeerka.
Ka dib ayaa ay 47kii
xubnood ee Golaha Dhexe
ee loo doortay XDSHSI ay
isugu soo hadheen
goobtii shirwaynuhu ka
socday halkaasoo ay ku
Doorteen 13 Xubnood oo
ah Gudiga Fulinta Cusub
ee Xisbiga iyo 3da ugu
saraysa oo ay ka Mid
ahaayeen:-
1- Mudane Maxamed
Rashiid Isaaq
Gudoomiyaha XDSHSI.
2- Mudane Cabdi Maxamuud
Cumar G/Xigeenka " ".
3- Mudane C/laahi Yuusuf
Weerar Xoghayaha " ".
4- Mudane C/xakiin
Cigaal Faarax Xubin.
5- Mudane C/fataax
Maxamuud Xasan " ".
6- Mudane C/casiis
Maxamed " ".
7- Mudane C/raxmaan
Sheekh Maxamed " ".
8- Mudane Cabdi-Sonkor "
" .
9- Mudane C/risaaq Cali
Baashe " "
10- Mudane C/salaan " ".
11- Mudane Faarax Jaamac
Yuusuf(Faraxow) " ".
12- Mudane Axmed Maxamed
Shukri " ".
13- Mudane Saleebaan
Axmed " ".
Subaxnimadii
saaka ayaa mar 2aad ay
isugu soo noqdeen Goobta
Shirwaynuhu ka Socday
Hogaamintii Xisbiga ee
La Doortay Xalay,Golihii
Dhexe,Gudigii
Baadhista,Ergooyinkii,Wakiiladii
Asxaabta siyaasadeed ee
Bahwadaagta,Qurbajoogta
iyo Marti
Sharaftiiba,halkaasoo
Guriga loo soo bandhigay
in ay Fikirkooda ka
Dhiibtaan Dhamaanba
Xubnihii la Doortay
Shakhsi Shaksi,taasooy
Dhamaanba Ergooyinkii
iyo Wakiilada Asxaabtuba
aad ugu riyaaqeen Sida
cadaaladeed ee
Doorashadu u dhacday iyo
Xubnaha la
doortayba,islamarkaana
Dardaaran ku Siiyeen.
Isku
Soo wada Duuboo
Shirwaynihii 7aad ee
XDSHSI ayaa Saaka halkaa
ku soo
xidhmay,islamarkaana ay
Dhamaanba Ergooyinkii ka
soo qayb galay
Shirwaynuhu ay u soo
wada shiraacdeen
Deegaanadii ay ka kala
yimaadeen,Halka Golihii
Dhexe Cusbaa iyo
Hogaamintii Xisbigu
Waysada u dhaansadeen in
ay Lug ku tagaan
Geeri-go'an oo u jirta
Birqod ilaa 13 km,si ay
ugu soo qaataan Shir
khaas u ah oo aan la
shaacin Ujeedadiisa una
soo arkaan xaalada
Nololeed ee Shacabka ku
dhaqan Goobtaas.