The opinions contained in this Forum are solely those of the writer, and in no way, form or shape represent the editorial opinions of GARREONLINE.COM

 Cambaarayn ku socota Saxaafadda East African Standard
iyo wariyaheeda "Adow Jubat". August 25, 2005 by GSG Member Abaardiid


    Haddaanu nahay dadka deegaan ahaan iyo dhalashaba ka soo jeeda degmada Mandera (Mandera district) ee gobolka Waqooyi bari Kenya kuna nool dalka gudihiisa iyo dibediisaba; waxaanu cambaarayn dusha uga tuuraynaa wargeyska East African Standard gaar ahaan wariyaheeda u qaabilsan degmada Mandera oo magaciisa la yiraahdo "Adow Jubat".
   
    Waxaa uu wariyuhu 22/8/2005 saxaafadda ku qoray  in dadkii dhawaan ay dagaaladu ka soo bara kiciyeen magaalda Ceelwaaq Soomaaliya  ee ku sugnaa magaalooyinka: Kutulo, Borehole 11 iyo Ceelwaaq Kenya ( Ceel qaalu) waa sida uu hadalka u dhigaye ay dib ugu laabanayaan guryahoodii kadib heshiis lagu gaaray xadka u dhaxeeya labada dal, heshiiskaas oo aay dhexdhexaadinayeen saraakiil ka socotay dowladda Kenya.
   
    Hadaba; sida aanu ogsoonahay hadii aanu nahay dadka ka soo jeeda deegaankaas; in haba yaraatee aanay jirin wax la yiraahdo heshiis oo nawaxigaa ka dhacay. Hase yeeshee; hadiise waanwaan nabadeed la doonayo  waa in si toos ah loo soo abaaraa dadka ay arintu qusayso oo aan loo soo dhuumaalaysanin dad kale oo aan arintu qusayn oo xitaa hadii lagu gabado dadka noocaas ahi; ay iyagu aan ka mira dhalin karin khilaafka ka taagan degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo iyadoon lala kaashanin siyaasiinta, culamaaudiinka, waxgaradka,
odeyaasha, ganacsatada iyo dhamaan beesha Garre meel walba oo ay joogaanba.
   
    Sidoo kale waxaanu  si buuxda u cambaaraynaynaa Saxaafadda  E.A.S. oo iyadu dunida ku baahisay war kutiri kuteen ah oo sal iyo raad toona lahayn iyagoon u haysan wax cadayn ah oo ay warkaa ku sugayaan. Sidaa daraadeed; waxaanu saxaafadda u aragnaa in aanay ahayn wargeys Qaran balse ay tahay wargeys dad gaar ah ay ku adeegtaan.
   
    Hadii aan u soo noqdo wariye Jubat, waxaa uu si badheedh ah ula shaqeeyaa isaga oo shaarka wargeyska Qaranka Kenya xiran argagixisada uu horseedka ka yahay wasiir isku sheega Dowladda Federaalka Soomaaliya, ee magaciisa la yiraahdo Barre Huuraale, kaas oo dhul balaarsi ka wada Gobolada Koonfur Galbeed (SouthWestern States) ee waddanka Soomaaliya; isagoo doonaya in uu soo dhaqan celiyo taliskii diktaatoorinimada ahaa ee Siyaad Barre. 

     Hadaba waxaanu "Jubat" ku cambaaraynaynaa in uu ka shaqaynayo siduu shacabkeena beesha Garre uu ugu gacan geliyo argagixisada uu  hormuudka ka yahay Barre Huuraale si ay ugu qafaashaan oo ay lacag madax furasho ugu doontaan oo aay dabadeetana mushahaar ooga dhigaan argagixisada ay isugu uruuriyeen Jubooyinka oo ay ku magacaabeen ciidanka xooga dalka Soomaaliya.

    Isku soo wada duuboo, tani ma aha  markii ugu horaysey oo uu "Jubat" iyo wargeyskuba ay ka baahiyeen war aan jirin xiisadda ka aloosan degmada Mandera, balse goorahanba waxaa ay saxaafaddu ka qortay deegaankaas war been ah oo aan sugnayn, laga soo bilaabo xiisadihii horay ugu dhex maray beelaha Garre iyo Murule bilowgii sanadkan.
   
    Hadalkayga waxaan ku soo gunaanadayaa maahmaahdan oo ah "Weel waliba wixii ku jiruu dhididaa". Waanu ogsoonahay waxa ka gurxamaya "Jubat". Yaanu moodin in aanu moogannahay falalka uu ku kacay, waxaanu u sheegaynaa in uu isagu ka masuul yahay cawaaqib xumada ka dhalata arintaa uu wado.

BY G.S.G member.
Abaardiid.