Ciidamada Golaha Maxaakimta oo ku guuleystay in Ciidamada Tikreega ay ka saaraan 2-fariisin oo Idaale ay ku lahaayeen inkastoo xaaladda iminka ay qabowday. Source: Qaadisiya.com

Buurhakaba, 20-December-06 ( Qaadisiya.com) Guddoomiyaha maxkamada islaamiga Albayaan Sheekh Maxamed Ibraahim Bilaal ayaa goor dhaweyd u xaqiijiyay shabakada islaamiga Qaadisiya in ciidamada Tikreega laga saaray 2 fariisin oo ay ku lahaayeen meel u dhaw deegaanka Iidaale kadib markii saakey iska hor imaad uu halkaasi ka dhacay.

Askari Tikree ah ayaa lagu dilay tiro kalena waa lagu dhaawacay dagaal shalay galab ka qarxay deegaanka Iidaale kadib markii ciidamada Tikreega ay ku soo duuleen fariisimo ciidamada maxkamadaha islaamiga ay joogeen,taasoo jilibka ay u dhigeen mujaahidiinta oo jab lixaad leh ku dhigay ciidamadaasi.

Sheekh Maxamed Ibraahim Bilaal ayaa sheegay in dagaalka saakey ka dhacay hareeraha Iidaale in uu ahaa mid si goos goos ah u socday,isagoo xusay in ciidamada Tikreega ay isaga carareen fariisimihii ay halkaasi ku lahaayeen kadib markii mujaahidiinta ay ku siqeen fariisimahaasi.

"Dagaalkii saakey waxa uu ahaa mid goos goos ah mujaahidiinta maxkamadaha islaamiga waxaa u suura gashay in laba fariisin oo ay ciidamada Tikreega ku lahaayeen agagaarka Iidaale ay ka saaraan kadib iska hor imaadyadii saakey qarxay" ayuu yiri Sheekh Maxamed Ibraahim oo qadka taleefanka ugu warramayay shabakada islaamiga Qaadisiya.

"Cabsi weyn ayaa soo food saartay ciidamada Tikreega waxeyna bilaabeen dib u gurasho iyo in fariisimahooda ay ka baxaan".

Ma jiro wax khasaare ah oo la xaqiijiyay in ay soo gaareen ciidamada maxkamadaha islaamiga Soomaaliyeed ee difaaca ugu jira sidii looga hortagi lahaa ciidamada Tikreega ee gumeysi doonka ah ee ku soo duulay dalka Soomaaliya.

         Hit Counter